0 cod
1.2k aragtey
qeybta HTML_CSS jaale (120 dhibcood)  

Waxaan jeclahay in aan noqdo full stack developer, hadaba waxaan rabay in la iga caawiyo wadada ugu saxsan, ugana sahlan ee aan full stack developer ku noqan karo?

Muddo intee la eg ayay igu qaadanaysaa noqoshada full stack developer?

Fadlan saxiix ama is diiwaan geli si aad uga jawaabto su'aashaan.

1 jawaab

0 cod
jaale (180 dhibcood)  

Waxbadan baan arkey su'aashan meelaha la isku weydiinayo, laakiin waxaa moodaa xoogaa in aan gudaha loo si galin, waxaan ka wadaa marka la dhoho qofkaan waa full stack developer, iyadoo uu micneheedu yahay qofkaan wuxuu ka shaqeyn karaa frontend, backend and middle tear (Database), hadana qofwalba a full stack developer ah wuxuu ku sii khibrad dheer yahay sadexdaas midkood, khaasatan frontend ama backend, marka badanaa waa yartahay qof sadexdaba iskool kaga soo wada baxa asagoo macalin ku wada ah, waxaa marka hore lagu bilaabaa midka aa jeceshahay inaad doorato, hadii frontend aa jeceshahay front end hore bare, hadii backend jeceshahayna backend hor baro, kadib midkaas markaad ku shaqeysan karto, shaqo kasta oo bilowdo waxaa ku jiri doone dad dhinaca kale ka shaqeeya, markaasaad kadib dhankaa dooratey maahane dhanka kale gudaha u sii gali doontaa oo bilaabi kartaa dhinaca kalena inaa wax ka qabato, cabaar kadibna aa saas full stack developer ku noqoto.

Hadaa front end jeceshahay xirfadaha ugu kacsan hada waa: 

  • HTML/CSS 
  • Java Script
  • Nodejs

Libraries/frameworks for front end: 

  • React JS ? React Native
  • Angular
  • Vue
  • Ember-Source

Halkan ka eeg kuwa ugu isticmaalka badan ayaantan: openbase.com/categories/js/best-javascript-frontend-framework-libraries

Backend Languages:  

  • Javascript
  • Python
  • Java
  • C#

Guud ahaan marki la isku daro luqadaha 2021 aadka loogu baahanyahayn  fiiri listigan eey jaamacada California Berkeley diyaarisay: bootcamp.berkeley.edu/blog/most-in-demand-programming-languages/

Guud ahaana companiyada aduunka ugu waa weeyn sida google, facebook, twitter technologiyooyinka eey isticmaalaan linkigan hoos ka eeg:

https://en.wikipedia.org/wiki/Programming_languages_used_in_most_popular_websites

Dhinaca waqtiga inteey kugu qaadankartana taas waa mid adi kugu xiran, qofba intuu dadaalee ku xirantahay, mida kale majirto mudo go'an oo waxa dhan la dhahaayo waa dhameysay waxbarashadu waa mid joogto ah oon dhamaaneyn, because marwalba luqadugu waa is bedelaan versiono cusub ayaa soo baxa, laakiin inaa shaqo ku bilowdo wexey ku xirantahay intaa u dadaasho.

wixii faahfaahinoo aad u sii baahanatahay cometiga hoos ku qor fadlan.

Mahadsanid

Ku soo dhowoow S&J
Ma qabtaa su'aal ku saabsan teknologi? Hadii aa tahay ardey jaamacad ama kuleej dhigta, amaba aa tahay qof aan ardey aheyn laakiin qaba su'aal teknologi ku saabsan, S&J ku soo qor su'aashaada, weydii walaalahaaga kale Soomaaliyeed oo khibrada ku leh waxa aad su'aasha ka qabto.
Ma aragtaa su'aal aad jawaabteeda taqaano? Ka jawaab adoo caawinaaya qof walaalkaa ama walaashaaya.
Dhibco aruurso si aad u gaarto heerarkan.

Barefasoor - 50,000 Dhibcood
Diritoor - 20,000 Dhibcood
Macalin - 10,000 Dhibcood
Kabiir - 5,000 Dhibcood
Kaabe Galaas - 2,000 Dhibcood
Ardey - 1000 Dhibcood
...